Al-Shabaab oo soo bandhigtay qalab milateri oo ay ka furteen Ciidamada Maraykanka (Sawirro)

Xarakada Al-shabaab ayaa soo bandhigtay qalab milateri, hub iyo agabyo kale oo ay sheegeen iney ka qabsadeen ciidamada Maraykanka iyo kuwa kumandoska Somalia oo xalay weeraray degaanka daaru-salaam ee gobolka Sh/hoose.

Al-shabaab ayaa sheegtay in dagaal culus oo ay la galeen ciidamada huwanta ee weerarka soo qaaday ay ku dileen sarkaalkii hogaaminayey ciidamada Maraykanka ee howlgalka waday iyo qaar ka mid ah askarta dowlada, ayna dhaawaceen qaar kale.

Baraha internetka ee taageera Al-shabaab ayaa soo bandhigay sawirro muujinaya qalab la sheegay in weerarkii xalay looga furtay ciidamada Maraykanka oo isugu jiray bambooyin, jaakadaha rasaasta celiya,  qalab isgaarsiinm koofiyadaha ciidamada, lacago dollar ah iyo agabyo kale.

Al-shabaab ayaa sidoo kale soo bandhigtay Sawirro muujinaya khasaare ay sheegeen in ciidamada Maraykanku u geysteen guryo ay degenaayeen dad shacab ah oo ku yaalla degaanka la isku fara saaray.

Maraykanka oo dhinaciisa ka hadlay weerarkan ayaa beeniyey in askar looga dilay loogana dhaawacay, iyagoo taa bedelkeed sheegaya iney dileen 8 ka mid ah dagaalyahanada Al-shabaab, mana jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya ama beeninaya sheegashooyinka labada dhinac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -